Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la filayay maanta inuu la hadlo golaha Shacabka Soomaaliya, balse way baaqatay.

Sababaha la sheegay ayaa waxaa ugu waawayn, in xildhibaannadu ka cudur-daarteen arrintaas sida ay qorayaan warbaahinta Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa codsaday, in uu raysal-wasaaruhu soo gudbiyo warbixintiisa 24 saacadood kahor inta aanu hor iman, taasi oo sida la sheegayo suurageli wayday.

Guddoonka golaha shacabka, ayaa aakhirkii sheegay in maalinta Arbacada ah raysal-wasaaruhu hor iman doono golaha.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga