Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda dalka Soomaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee soo wajahay dalka, kadib markii uu dhammaaday muddo-xileedka Farmaajo oo ku ekaa shalay.

Kulanka ay iskugu imanayaan xubnaha Golaha Ammaanka ayay dalbatay dawladda Ingiriisku, iyadoo Golahu uu war kasoo saari doono xaaladda dalka Soomaaliya, mawqifkooda ku aadan khilaafaadka doorashada iyo meesha loo kici doono.

Farmaajo ayaa ku adkaysanaya in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya haynna doono xilka inta laga gaadhayo doorasho loana soo dooranayo madaweyne kale, halka qaar ka mid ah dawlad goboleedyada iyo murashaxiinta madaxtinimaduna aanay madaxweyne u aqoonsanayn Farmaajo, sida ay sheegeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga