Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiraan, Maxamed Javad Zarif, ayaa maalintii shalay ahayd, ka qayb galay shirka wadamada G7, kaasoo ka dhacayay dalka Faransiiska, ka qayb galka wasiir Javad, ayaa ahaa mid aan la filayn oo aan hore loosii saadaalin.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran, ayaa kulamo shirka barbar socday la yeeshay, qaar
kamid ah madaxdii shirka kasoo qayb galay, madaxa shirka Biarritz kasoo qayb galay, ayaa
waxaa kamid ah madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn waxa ay kawada hadleen wasiirka arrimaha dibadda Iiran iyo madaxdii uu la kulmay, ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka wasiir Javad kusheegay inuu wada hadal muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Faransiiska iyo madaxwaynaha dalkaas, isagoo sidoo kale xusay inuu si wadajir ah ula kulmay madax kasocotay dalalka Britain iyo Jarmalka.

Iiraan ayay xurguf xuni dhex martay dalka Maraykanka, kadib markii uu Maraykanku ka baxay heshiis dhinaca Nukliyeerka ah, sannadkii lasoo dhaafay, balse shan waddan oo kale oo uu Faransiisku kamid yahay, ayaa iyagu baaqi kusii ahaaday heshiiskaas

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga