Wasakhawga hawada ayaa sanad walba dad gaadhaya 780,000 oo qof ku dila gudaha qaaradda Afrika, sida lagu sheegay daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay.

Hay’adda hawada sare ee Maraykanka loona yaqaano NASA ayaa warkan sheegtay iyadoo isticmaalaysa xog ururin ay ka qaaday dayax-gacmeedyadeeda hawada sare.

Caafimaad darada ay sababto siigada iyo dhaska ka jira meelo badan oo Afrika ah ayaa kow ka ah dhimashada dadkan, iyadoo ay aad ugu badanyihiin dadka ku nool wadamada la jaarka ah saxarayaasha gudaha qaaradda ku yaala.

Masuuliyad darada dawlado badan oo Afrikaan ah ayaa loo sababaynayaa in ay qayb ka qaadatay dar-yeel la’aanta dadka iyo in sanad walba ay dad intaa le’egi ku lee’daan siigada iyo dhaska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga