Wadanka Japan ayaa martigalinaya shir caalamiya oo saddexdii sanaba ay mar ku kulmaan Wadanka Japan iyo Madaxda Qaarada Afrika.

Shirkan ayaa ka dhacaaya Magaalada Yokohama inta u dhaxaysa 28 – 30 Aug 2019, waxaana ka qayb qaadanaya Madaxweynayaal iyo hogaamiyayaal tiro badan oo ka socda qaarada Afrika,  sida oo kale waxa ka qayb qaadanaaya dad gaadhaya 4,500 oo isugu jira madax dawladeed, wakiilo ururo caalamiya, ururada rayidka ah, ganacsato iyo maalgashadayaal.

Shirkan oo loo yaqaan shirka caalamiga Tokyo ee horumarinta Afrika  (Tokyo International Conference on African Development – TICAD 7) oo ah markii 7aad ee la qabto ayaa waxa qayb ka ah Hay’addo ay kamid yihiin UNDP, Baanka aduunka, Midowga Africa iyo in ka badan 54 dal oo Afrika ah.  

Shirkan ayaa qayb ka ah siyaasada arrimaha dibeda ee dalka Japan iyo iskaashiga dhaqaale, siyasadeed iyo dhaqan ee uu la leeyahay Qarada Afrika, Shirkii ugu danbeeyey ayaa sanadkii 2016 lagu qabtay dalka Kenya magaalada Nairobi.

Danaha dhaqaale, amni iyo iskaashi ee wadamada horumaray ka leeyihiin Qarada Afrika ayaa mudooyinkan danbe aad u kordhayay, iyada oo ay soo jiidatay korodhka xawliga ah ee dadka Afrika, dhaqaalaha Afrika oo koraya iyo awooda wax iibsiga dadka Afrika oo hada kordhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga