Wasiir ku xigeenka cafimaadka ee dawladda Iran ayaa shaaciyay in uu qaaday xanuunka coronovirus ee covid-19, waxaana xanuunka la qaaday xildhibaan ka tirsan baarlamanka Iran.

Iraj Harirchi ayaa la arkayay isagoo dhididsan isla markaana qufacaya xili uu qabanayay shir-jaraa’id. Wuxuu markan beeniyay oo uu qarinayay xaaladda dhabta ah ee xanuunka ee ka jirta gudaha dalkiisa.

Wasiirka ayaa hadda caabuqa laga dabiibayaa, iyadoo wadamada qaar ay ka digayaan xaaladda xanuunka ee gudaha Iran.

Dawladda Iran ayaa qiratay in dad gaadhaya 95 qof ay xanuunka qaadeen, halka dad dhan 15 kalana ay u dhinteen xanuunka. Waxa la rumaysanyahay in tiradu ay intaas ka badantahay oo ay wax qarinayso dawladdu.

Iran waa waddanka koobaad ee ugu dhimashada badan illaa hadda caabuqa coronovirus marka laga yimaado Shiinaha oo ah halkii uu xanuunku kasoo unkamay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga