Shirkadda is-gaadhsiinta ee Hormuud ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxii shirkadda ee degemda Jilib lagu dilay duqayn ay fuliyeendiyaaradaha aan cidi wadin ee dawladda Maraykanku.

Maxamuud Xaaji Salaad, ayay shirkaddu xaqiijisay dhimashadiisa iyadoo sheegtay in aanay wax war ah ka helin dhanka ciidamada Maraykanka.

Duqaynta oo ka dhacday deegaanka Jilib ayay qirteen ciidamada Maraykanka ee AFRICOM loo yaqaano, iyagoo intaa ku daray in aanay dad shacab ahi ku waxyeeloobin balse ay ku dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha kooxda alShabab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga