Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin uu ka hor jeediyay Golaha Ammaanka ku sheegay in Soomaaliya ay ku taagantahay dhabbaha dayn-cafinta, isagoo xusay in ay tallaabo wanaagsan tahay.
James Swan wuxuu tibaaxay in hay’adda lacagta dundia ee IMF iyo Bangiga Adduunku ay isku raaceen in Soomaaliya ay kasoo baxday hanaanka dayn-cafinta, isla markaana ay suurtagal tahay in guud ahaan daynta laga dhaafo dawladda curdinka ah ee Soomaaliya. Wuxuu intaa ku daray in hadii ay is-kaashadaan dawladda federaalka iyo xubnaha maamul goboleedyadu la gaadhi karo ama laga dhabayn karo himilooyin waawayn sida dayn-cafinta oo kale.
Danjiraha ayaa dhanka kale xusay in nidaamka is-la-xisaabtanku uu meel wanaagsan marayo, isagoo sidoo kale soo hadal-qaaday miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2020-ka oo dhiirigalinaysa dakhli-soo-xaraynta.