Guud ahaan tirada dadku uu ku dhacay xanuunka Coronavirus caalamka idil, ayaa waxay gaadhay 5.3 Milyan, dadka ka bogsaday Corona-ha dunida oo dhan ayaa cagacagaynaysa 2.1 Milyan, halka ay u dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 341,000 oo ruux.

Hindiya, waxay diiwaangelisay tiradii ugu korodhka badnayd, Muslimiinta duniduna waxay u dabbaal-degayaan Ciidda ciidul-Fidri xilli si wayn looga cabsi qabo faafista fayraska Corona.

Wasaaradda caafimaadka Ciraaq waxay diiwaangelisay in kabadan 308 kiis oo cusub oo Coronavirus ah, iyadoo Ingriiskuna isku diyaarinaya inuu furo dugsiyada bilowga bisha Juun.

Kor u kaca Kiisaska Jarmalka laga helay tan iyo bilowgii Coronavirus ee dalkaasi, ayaa gaadhay 180,000 oo ruux.

Dalka Maraykanka, ayaa ah dadka ugu badan dhimashada iyadoo dadka uu ku dhacayna ay marayaan 1.6 Milyan, Maraykanka, ayaa waxaa Coronavirus ugu geeryooday in ka badan 96,000 oo qof.

Dalalka Maraykanka kusoo xiga waxay kala yihiin Brazil, Ruushka, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Faransiiska, iyo Jarmalka.

Tirada meelaha qaar dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay Corona, ayaa hoos usoo dhacaysa, taas oo ah wax lagu farxo, balse nasiib darro haddana waxaa kor u sii kacaya tirada meelo kale oo aanu xanuunku ka jirin amaba ay yaraayeen dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba.

Tirikoobyadan, oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga