Kuuriyada Waqooyi waxay mar kale damacsantahay in ay jibbaarto horumarinta barnaamijkeeda hubka wax gumaada ee nukliyeerka. Kim Jong Un, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa marti galiyay shir ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen madaxda milatarigu, iyadoo lagu lafo guray siyaasadaha lagu xoojin karo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

Kim ayaa saddex todobaad markii ugu horeysay kasoo muuqday kulankan. Wuxuu sameeyay dhaqdhaqaaqyo kooban labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Damaca Kuuriyada Waqooyi ayaa imanaya xili xukuumadda Pyongyang lagu dhaliilayo in ay ka gaabisay fulinta heshiiskii ay la gashay Maraykanka ee lagu burburinayay nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.

Khubarada ayaa sheegaya in Kuuriya Waqooyi ay diyaarinayso hanaan cusub oo milatari iyo istaraatijiyad ay ku waajahdo kuwa ay cadawga u taqaano.

Wada hadalada lagu damacsanaa in lagu dhammaystiro burburinta nukliyeerka xukuumadda Pyongyang ayaan rejjo wanagaasan laga qabin wixii ka danbeeyay diidmadii Maraykanka ee ahayd in cuna qabataynta laga qaado Kuuriyada Waqooyi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga