Ciidamada Ruushku ee kusugan Libya ayaa iskaga baxay deegaanada galbeed ee dalkaas, kadib markii ay dib u gurteen xoogaga jeneraal Khaalifa Xaftar oo taageero ay siiyaan.

Ciidamada daacadda u ah Xaftar ayaa laga saaray deegaano badan oo galbeedka ah, kuwaas oo ay la wareegeen ciidamada dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee Libya.

Diyaarado ayaa lagu daadgureeyay ciidamada Ruushka iyadoo laga qaaday duleedka magaalada Tripoli, halkaas oo dhufaysyada jiida hore ay baneeyeen xoogaga Xaftar. Sanad ayay halkan ku sugnaayeen iyagoo quwado shisheeye taageero ka helaya. Wadamada Ruushka, Faransiiska, Imaaraadka, iyo Masar ayaa badhitaarayay si ay ula wareegaan magaalada caasimadda ah ee Tripoli, balse dawladda fadhigeedu yahay Tripoli oo taageero xoogan ka helaysa Turkiga ayaa dhammaan ciidamadan huwanta ah ka saartay hareeraha Tripoli.

Libya ayaan dawlad dhexe lahayn muddo sagaal sanno ah, iyadoo tan iyo sanadkii 2014-kii ay u qaybsanayd laba dhinac oo galbeed iyo bari ah, waxaana kala haysta laba dawladood oo iska soo horjeeda isla markaana ay kala taageerayaan quwado shisheeye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga