Warbixinihii ugu dambeeyay xannuunka Coronavirus adduunka oo dhan ayaa sheegay in tirada dadka uu ku dhacay xanuunku ay kor u dhaaftay 4.8 Milyan oo qof, dadka ka bogsaday Coronavirus caalamka oo idil, ayaa waxay kor u dhaafeen 1.8 Milyan, halka dadka u geeryoodayna ay cagacagaynayaan 318,000 oo qof adduunyada oo dhan.

WHO waxay sheegtay inay diyaar u tahay baadhitaan lagu sameeyo ka jawaabistii xanuunka Covid-19, halka Masar ay sii dheeraysay muddada ay laalnaan doonaan duullimaadyada caalamiga ahi.

Wixii ka dambeeya ciidda, waxaa dib loo furi doonaa Masaajidka Al-Aqsa, Spain waxay qaadday xayiraadihii tooska ahaa ee ay saartay duullimaadyada Talyaaniga iyadoo shaqo la’aanta Ingiriiskuna gaadhay  2.1 Milyan bishii April.

Madaxwayne-ku-xigeenkii dalka Koonfurta Suudaan Riek Machar, ayaa laga helay xanuunka Covid-19.

Maraykanka ayaa weli ah dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka uu ku dhacay Xanuunka Coronavirus iyo kuwa u geeryoodayba, waxaana ku soo xiga Maraykanka dalalka kala ah Ruushka, Brazil, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka.

Fayraska ayaa faafaya, xilli dalalka Maraykanka iyo Shiinaha midba midka kale dhaleecaynayo iyagoo si is diiddan eedayn iyo difaacid ugu kala muujinaya haayadda caafimaadka adduunka ee WHO.

Warbixinahan oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga