Donald Trump, madaxweynaha dalka Maraykanka, ayaa mar kale sheegay hadalo ay khubarada caafimaadku ku sheegeen kuwo halis ah.

Mar uu shir jaraa’id ku qabanayay Aqalka Cad ayuu xusay in uu isticmaalo dawada loo yaqaano hydroxychloroquine, taas oo loogu talo galay in lagaga hor tago ama lagu daaweeyo xanuunka duumada ama Malariyada.

“Waxaan isticmaalayay todobaad iyo badh, wali waan jooga oo waykan, haa waykan” ayuu yidhi madaxweyne Trump oo hadaladan kasoo yeedhay ay layaab ku noqdeen dad badan.

Khubarada caafimaadka ayaa tibaaxay in aanay jirin tijaabooyin caafimaad oo caddaynaya in dawadan duumada loo isticmaali karo in lagaga hor tago xanuunka Covid-19. Waxay ka digeen in ay keeni karto wadno-xanuun.

Donald Trump wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah bahda caafimaadku ay isticmaalaan dawadan.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan oo hore intii uu socday xanuunka Covid-19 wuxuu sheegay hadalo muran badan dhaliyay oo bahda caafimaadkuna ay dureen, kuwaas ku aadan xakamaynta iyo daawaynta Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga