Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus adduunka oo dhan, ayaa gaadhay 3.8 Milyan oo qof, waxaa xanuunka u geeryooday in ka badan 270,000 oo ruux halka ay ka bogsadeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 1.28 Milyan adduunka oo dhan.

Dalka Maraykanka ayaa ah midka ugu badan dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba, halkaas oo tirada guud ee dadka uu ku dhacay ay dhaaftay 1.2 Milyan oo qof, dadka Corona ugu dhintay Maraykanka, ayaa dhaafay 75,600 oo qof.

Dalalka kusoo xiga Maraykanka marka ay noqoto dhimashada iyo dadka uu xanuunku ku dhacay, ayaa kala ah dalalka Spain, Talyaaniga, Ingiriiska, Ruushka iyo Faransiiska.

Guud ahaan Soomaaliya tirada uu ku dhacay Coronavirus, ayaa gaadhay 928 qof iyadoo ay u dhinteen dad ka badan 44 qof, halka ay kasoo kabteen 106 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxay sheegtay in 60 qof oo laga baadhay Corona laga helay 11 kamid ah, taas oo tirada guud ka dhigaysa 23 qof, saddex qof ayaa u geeryooday halka ay ka bogsadeen saddex kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga