Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in qofkii 4aad uu Somaliland ugu geeryooday xanuunka Coronavirus.

Agaasimaha guud ayaa sheegay in 11 qof laga helay maanta Somaliland, waxa uu sheegay inay hayaan 10 qof halka qof u geeryooday xanuunka.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in bogsashadu ay weli tahay 3 qof, balse ay maalmaha soo socda rajaynayaan dad kale oo ka bogsada isagoo sheegay inuu xanuunku ku dhacayo qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan da’aadda 20-50 jir u dhexaysa.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga