Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay korodhay tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus iyo weliba dadka u geeryooday xanuunka, Wasiirk wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi iyo agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo goordhawayd kula hadlayay warbaahinta xarunta wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in 11 Kiis la helay kadib markii la baadhay 60 qof.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay tirada dadka laga helay iyo meelaha ay kala joogaan.

Agaasimaha ayaa sheegay in sababta ay u korodhay ay tahay mishiinkii lagu baadhay oo shaqaynaya iyadoo Mr. Xergeeye uu sheegay in dadka laga helay ay kala joogaan gobollada Sanaag, Togdheer, Awdal, iyo Maroodi-jeex.

Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus Somaliland, ayaa gaadhay 23 qof iyadoo saddex qof ay ka bogsadeen halka ay u geeryoodeen saddex kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga