Guud ahaan adduunka, tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa waxay kor u dhaaftay 4.7 Milyan oo ruux, dad ka badan 1.7 Milyan ayaa ka bogsaday xanuunka adduunyada oo dhan, halka ay u geeryoodeen tiro kor u dhaaftay 315,000 caalamka oo idil.

Shiinuhu wuxuu difaacay sida haayadda caafimaadka adduunka ee WHO u maarayso xanuunka, maxkamadda sare ee dalka Pakistan waxay amarta inay dawladdu qaaddo xayiraadda, halka Spain ay qorshaysay inay furto xuduudaha dalxiiska illaa dabayaaqada bisha Juun.

130 qof ayaa laga xanuunka Coronavirus guryo qaxoonti dalka Jarmalka, madaxwaynaha dalka Brazil wuxuu difaacay sharciyo cusub oo Coronavirus la xidhiidha.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka uu ku dhacay Corona, halkaasi oo tiradu gaadhay 1,400,000 oo ruux, dadka u geeryoday Maraykanka, ayaa kor u dhaafaya 89,500 oo qof.

Dalalka Maraykanka kusoo xiga marka ay noqoto dhimashada iyo dadka uu ku dhacay, ayaa kala ah, Ruushka, Ingriiska, Brazil, Spain, Talyaaniga, Faransiiska, Belgium iyo Jarmalka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga