American Drone Attack Targets Somali Al-Shabaab Commander

AFRICOM, taliska ciidamada Maraykanka u qaabilsan qaaradda Afrika, ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in duqayn ay ka fuliyeen deegaanka layidhaa Kuunya Barrow oo dhaca gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xubno katirsan ururka Al-shabaab.

Warkani, oo ay qortay idaacadda codka Maraykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in duqaynta uu gaystay Maraykanku lagu dilay laba xubnood oo kamid ahaa ururka Al-shabaab.

Africm waxay intaasi ku dartay in illaa hadda ay qiimaynayso in duqeyntaas aanay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhin dad shacab ah.

“Taageerada Mareykanka ee saaxiibadeena Soomaaliya waa mid xooggan siina xooganaan doonto,”  ayuu yidhi agaasimaha hawl-gallada AFRICOM, Major General William Gayler.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay duqeyntan, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay ay ku sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada kumandooska Soomaaliya iyo taliska AFRICOM.

Duqeyntan ayaa ahaa tii ugu horreysay ee AFRICOM ay xaqiijiyaan inay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay idaacadda codka Maraykanku, illaa bilowgiii bishan Ramadaan ee Barakaysan. 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga