Dalka Somaliland waxa uu ka mid yahay dalalka Afrika ee ay ku soo badanayaan dadka qaba xannuunada dhimirku, iyadoo sidoo kale ay aad u hoosayso wacyigelinta iyo daryeelka la siinayo dadka la nool xannuunada dhimirka.

Waxaanna magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo degaannada kale ee miyiga iyo tuulooyinka ah lagu dhex arkaa dadka ay dhaceen xannuunada maskaxdu, kuwaas oo ku dayacan dariiqyada iyo meelaha bannaanka, halka sidoo kale ay jiraan dad kale oo badan oo lagu hayo xarumaha cilaajyada iyo cusbitaalada dhimirka ee ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland.

Hantidhawraha Guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa warbixin uu toddobaadyo ka hor u gudbiyey Golaha Wakiilada, waxa u uku soo bandhigay miisaaniyadii dawladda Somaliland ee sannadkii 2022 ee loogu talogalay daryeelka dadka la nool xannuunada dhimirka ugu jirtay lacag dhan $1,506,181 doollar.

Sida warbixintan Hanti-dhawrka lagu sheegay, guud ahaan Somaliland waxa ka furan lix cusbitaal oo dawli ah oo lagula tacaalo dadka qaba xannuunnada dhimirka, iyadoo dadka bukaanka ah ee qaba xannuunada dhimirka ee sannadkii 2022 jiifay cusbitaaladaasi ay tiradoodu dhamayd 2,681 qof, inkastoo Hanti-dhawrku sheegay inay jiraan dad kale oo badan oo bukaan socod ah.

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa warbixintiisa ku sheegay in kormeerada ay sameeyeen ay ku ogaadeen in aan muhiimada ay mudan yihiin la siin cusbitaalada lagu daryeelo dadka qaba xannuunada dhimirka, iyadoo Hanti-dhawrku intaasi ku daray in haddii si hufan loo maamulo miisaaniyadda loo qoondeeyey ay kor u qaadi lahayd Tayada cusbitaaladaasi iyo daryeelka dadka la nool xannuunada dhimirka.

Sidoo kale, miisaaniyadda sannadkan lagu jiro ee 2023, waxa ay dawladdu dhaqaale badan u qorshaysay daryeelka dadka qabana xannuunada dhimirka, iyadoo aan la ogayn sida dhaqaalahaasi u gaadho dadka loogu talogalay, maadaama oo uu Hanti-dhawrku warbixintiisa uu dhawaan soo bandhigay ku sheegay in aan sidii loogu talogalay loo adeegsan dhaqaalaha daryeelka dadka dhimirka qaba looga qoondeeyey miisaaniyaddii 2022-kii.

Geesta kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa lagu sheegay in xannuunada dhimirku ay yihiin waxyaabaha ugu badan sababa in qofku uu qudha iska jaro, iyadoo caalamka oo dhan ay sannad walba sare u sii kacayso dadka naftooda dila, taas oo walaac iyo werwer ku haysa dawladaha Adduunka.

Hay’adda WHO ayaa warbixinteeda ay soo saartay ku sheegtay in dadka ugu badan ee qudha iska jara ama is dila ay ku nool yihiin dalalka qaaradda Afrika, iyadoo sida warbixintan lagu sheegay boqolka kun ee qof, gaar ahaan ragga ah ee ku nool qaaradda Afrika waxa qudha iska jara 18 ka mid ah, taas oo Afrika ka dhigaysa qaaradda ugu badan ee ay ka dhacaan dadka nafta iska jara.

Sida lagu sheegay warbixintan ay hore u soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, sababaha keenay in dadku qudha iska jaraan, gaar ahaan kuwa nool qaaradda Afrika, waxa ka mid ah dhibaatooyinka dhaqaale iyo caafimaad ee ka taagan dalalka Afrika.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee WHO ayaa sidoo kale tilmaantay in qaaradaha kale ee adduunku ay aad uga hooseeyaan heerka is-dilka marka loo eego Afrika, iyadoo 100,000 kun ee qof ee qaaradda Yurub ku nool ay celcelis ahaan is-dilaan ama qudha iska jaraan 10.5 oo qof, Koonfur-bari ee qaaradda Eeshiya waxa 100-kii kun ee qof is dila 10.2, Ameerika wax qudha iska jara 9 qof 100,000 kun ee ruuxba, iyadoo qaaradaha kale ee adduunkuna intaas ka sii hooseeyaan.

Sidoo kale, xannuunka dhimirka ee ka dhasha dhibaatooyinka ka taagan Afrika, ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin sababaha keena in qofku qudha iska jara, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegtay in dhakhaatiirta aqoonta u leh xannuunada maskaxdu ay aad ugu yar yihiin qaaradda Afrika, waxaanna la sheegay in 500,000 ee qofba uu ku soo hagaagayo hal dhakhtar oo takhasuskiisu yahay xannuunada dhimirka, taas oo 100 jeer ka hoosaysa heerka cabbirka u yaala Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO.

Sidoo kale, waxa aad u hoosaysa lacagaha ama dhaqaalaha ay dawladaha qaaradda Afrika ugu talogaleen in lagu daweeyo dadka qaba xannuunada dhimirka, iyadoo la sheegay in celcelis ahaan dhaqaalaha ay Afrika u qoondaysay dadka qaba xannuunka dhimirka uu qofkiiba ku soo hagaagayo nus dollar ama  $0.5, waxayna taasi ka hoosaysaa qorshaha ay dejisay Hay’adda WHO oo ah in qofka ku nool dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ugu yaraan $2 doollar loo qoondeeyo in maalintii lagu daryeelo qofka la nool xanuunada dhimirka, iyadoo Somaliland-na ka mid tahay dalalka dhaqaalaha ugu yar u qoondeeyey daryeelka dadka qaba xannuunada dhimirka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga