Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in haddii ay xisbi ahaan talada dalka ku guulaystaan ay qorshe cad u diyaariyeen horumarinta ciyaaraha Somaliland.

Sidaana waxa uu Xoghaye Khadar Xuseen ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray, kaas oo u qornaa sidan; “Xukuumadda xisbiga WADDANI go’aan cad ayaa uga meel yaalla, soo celinta iyo ilaalinta goobaha Isbortiga iyo naadiyada dhalinyarada ee lagu takri falo, sidaas awgeed waxa uu xisbigu ka digayaa in muwaadinka uu damac ka galo goobahaas.

Somaliland, fursadaha waxbarashada oo aanay da’ yartu wada helin, iyo shaqo la’aanta oo aad u sarraysa ayaa ah khatarta ugu weyn ee haysata dhalinyarada oo la qiyaasayo in ay bulshada ka yihiin 70% ama ka badan.

Xaaladdan oo kale waxaa waajib ah in la helo siyaasado iyo qorshayaal dhalinyarada lagu jiheeyo, si aanay u abuurmin khataro ay ka mid tahay qabatinka balwadaha, iyo amniga oo khatar gala.

Dawladda iyo muwaadin kastaba waxaa la gudboon in uu ka shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka khatar gelin kara mustaqbalka dhalinyarada iyo dalkaba. Waa waajib in la daryeelo, lana badiyo garoomada, naadiyada dhalinyarada ku kulanto iyo goobaha ciyaaraha iyo maaweelada ay isugu yimaaddaan. Waa meelaha uu ka dhasho is dhexgalka bulshadu, waana caafimaad jidhkeed, maskaxeed iyo bulsho,”  ayaa lagu yidhi qoraalka uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga