Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska James Cleverly oo booqasho ku tagay dalka Falastiin ayaa magaalada Ramallah kulan kula qaatay Ra’iisal-wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh, kuwaas oo ka wadahadlay dhibaatooyinka ay dadka reer Falastiin kala kulmayaan Israa’iil oo xoog ku haysata qaybo badan oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiintu leeyihiin.

Warsaxaafadeed kulankan lagaga hadlay oo lagu faafiyey website-ka Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka UK, ayaa lagu sheegay in aanay waxba iska beddelin mawqifka ay dawladda Ingiriisku ka taagan tahay dhulka Falastiin ee ay Israa’iil xooga ku haysato, waxaannu Wasiirka Arrimaha Dibadda UK u sheegay Ra’iisal-wasaaraha Falastiin inay dawladda Ingiriiska ka go’an tahay sidii loo heli lahaa in Israa’iil iyo Falastiin ay kala noqdaan laba waddan oo kala madaxbannaan oo xadkooduna ku salaysan yahay xuduudihii ka horeeyey dagaalkii 1967 ay Israa’iil ku qabsatay dhulka Falastiin.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan, Wasiirka Khaarajiga UK ayaa sidoo kale tilmaamay in xalka qudha ee wax lagaga qaban karo dhibaatooyinka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin uu yahay inay noqdaan laba waddan oo kala madaxbannaan, iyadoo magaalada barakaysan ee Qudus-na ay noqon doonto caasimadda ay labadaas waddan wadaagaan.

Ra’iisal-wasaaraha Falastiin ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska u soo bandhigay dhibaatooyinka iyo tacaddiyada joogtada ah ee ay Israa’iil ku hayso dadka iyo degaannada Falastiin, gaar ahaan dhibaatooyinka ka taagan Daanta Galbeed, halkaasi oo ay Israa’iil si joogto ah u weerarto, isla markaana uga samaysato degaamayn la dejiyo dadka Yuhuudda ah, iyadoo dadka reer Falastiina xoog lagaga saarayo dhulkooda.

Waxaannu Wasiirka Arrimaha Dibadda UK sheegay inuu ka garaabayo dhibaatooyinka ay Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin, gaar ahaan degaamaynta Yuhuudda oo caalamka oo dhami ka soo horjeedo, waxaannu sheegay inay dawladda UK ka shaqayn doonto sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka iyo colaadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo colaadaasina saamayn ku yeelatay Gobolka Bariga dhexe iyo dalalka Carabta. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga