Warbixin Cusub Oo Ay Soo Saartay Guddi Khubaro Ah Oo Ka Socda Guddiga Xayiraadda Hubka Ee Qaramada Midoobay Ayaa lagu sheegay In Imaaraadka Carabta ay ku Xad gudbeen Cunaqabateynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya.

Warbixintan ayaa sheegtay in Imaaraadku Magaladda Berbera ay ka dhisanayaan Saldhig Milatari,Oo Ay Ku Jiraan Kala iibsiga Qalab Millatari Inkastoo Ay Jiraan Go’aano Caalami Ah Oo Ka Soo Horjeeda Hubkan.

Imaaraadka Carabta Ayaa Bilaabay Dhismaha Saldhigga Millateri Sannadkii Hore, Iyada Oo Heshiis ay kala Saxiideen Mas’uuliyiin Ka Tirsan Somaliland.

Imaaraadka Carabta Ayaa Sidoo kale Maalgashanaya Horumarinta Dekedda Berbera, Oo Ah Meel Istiraatiiji Ah Oo Marin la leh dalka Yemen, Halkaas Oo Ciidammada Imaaraadku Ay ka Dagaalamayeen Iyaga Oo Qayb Ka Ah Xulafadda Sacuudi Carabiya Ee Ka Dhanka Ah Mucaaradka Xuutiyiinta Tan iyo Sannadkii 2015.

Soomaaliya Ayaa Hore Ugu Baaqday Gollaha Ammaanka Ee Qm In Ay Tallaabo Ka Qaadaan Dhismaha Xarun Milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Somaliland.

Warbixinta Ayaa Sidoo Kale Lagu Xusay In Guddi Khubaro Ah Oo Qaramada Midoobay ka socday aanay Wax Jawaab Ah Ka Helin Masuuliyiinta Somaliland Markii La Weydiistay In Ay U Hoggaansamaan Xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya.

Sidoo Kale Warbixintan ayaa sheegtay in Markii Ay Guddiga Qaramadda Midoobay ee xayiraadda Hubka ay Ka Codsadeen Imaraatka Carabta In Ay Soo Bandhigaan Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Dhismaha Saldhiga, ay ugu jawaabeen: “in imaraatku uu Soo Afjartay Dhammaan Heshiisyada Gobollada Soomaalida Ee Ku Salaysan Awoodaha Dastuuriga Ah Ee Loo Dhiibay Madaxda Gobollada Si Loo ilaaliyo, Xasilloonidda Iyo Barwaaqada Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo Dadkeeda. ”

“Bishii Sebtembar 2017, Ciimada Badda Puntland Ayaa Xidhay Markab Laga Soo Qafaashay Yemen Una Socday Soomaaliya, Isla Markaana laga helay Hubka tiro Badan, Sidaasi Waxaa Yidhi Kooxda Khubarada Caalamiga Ah.

Guddiga Ayaa Sheegay In Aysan Wax Jawaab Ah Ka Helin Imaaraadka Carabta Markii La Weydiistay In Ay Caddeeyaan Sababta loogusoo raray Soomaaliya Hubka Saarnaa Markabka La Qabtay.

Danjiraha Imaraatka Carabta U Fadhiya Qaramada Midoobay Lana Nusseibeh Ayaa Sheegtay In Aysan ka Faalloon Karin Dhacdadan.

“Imaaraadka Ayaa Si Buuxda Uga Warhaya Dhammaan Qaraarada Gollaha Amniga Oo Waafaqsan Fulinta Ciqaabta Lagu Soo Rogay Dalka Soomaaliya,” Ayuu Danjiraha Qaramada Midoobay ee imaraatka Carabta U Sheegay Wakaaladda Wararka Ee Reuters.

Gollaha Amaanka ee QM ayaa Cunaqabataynta Hubka kusoo Soo Rogay Soomaaliya 1992-Kii Si Loo Yareeyo Hubka ay adeegsanayaan Kooxihii xiligaas kasoo Horjeeday Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga