Munaasabaddan oo si rasmi ah loogu kala saxeexday qandaraaska dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweyne ku xigeenadii hore, guddoomiyaha shirkadda maal-gelinaysa dekedda Berbera ee Dp World, Suldan Axmed Bin Sulayem, shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, diblomaasiyiin ka socday dalal kala duwan, axsaabta qaranka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya heshiiska lagu ballaadhinayo dekedda Berbera.

Guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem oo madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in la gaadhay waqtigii la bilaabi lahaa ballaadhinta dekedda Berbera, isaga oo ku dheeraaday taariikhda guunka ah ee marsada Berbera iyo sida ay abidkeedba halbowlaha ugu ahayd ganacsiga geeska, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Tani waa maalin gaar ah, waa maalintii aynu shaqada bilaabi lahayn, waana maalintii aynnu sugaynay, shalayna waxa ay ahayd maalintii dhagax-dhigga, dekedda Berbera. Marsada Berbera waxa ay muhiim u ahaan jirtey isu socodka badaha qarniyo badan, maantana waxa aynnu si rasmi ah u saxeexaynaa qandaraaskii, qandaraasluhuna waxa uu bilaabi doonaa shaqadii.”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban jeediyey, ayaa tilmaamay inuu heshiiskani bar bilow u yahay hayaanka dheer ee ay dekedda Berberi ugu jirto sidii u quudin lahad dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla,“Berbera maanta waxa laga qabtay iyo DP World aannu iska kaashannay iyo dawladda Imaaraadka Carabtu, waxa ay noqonaysaa halka aynnu ka duulaynno iyo bar-bilowga aynnu ka bilaabaynno inaynnu noqonno Al-baabka laga gelayo Afrikada aan dekedaha lahayn.”

Madaxweyne Biixi, waxa uu si cad u sheegay inuu socon doono horumarka Somaliland, dunida lasii macaamili doonto, isaga oo Soomaaliya-na ugu baaqay inay ka dheeraadaan hadallada colaadda iyo kala fogaanshaha tarminaya,“Waxa aan leeyahay Berberi way koraysaa, Somaliland-na hore ayey u maraysaa, aduunkana wax bay la qaybsanaysaa, idinkana (Soomaaliya) waa idiin diyaar, cadaawad iyo nacna uma haynno Soomaaliya, dadna waannu isu xignaa, waxana aannu usoo jeedinaynaa nabad iyo wax wada-qabsi iyo inaynnu noqonno laba dal ah oo walaalo ah.”

ballaadhinta dekedda Berbera iyo saxeexa qandaraaska ayaa daba socda heshiis ay Somaliland laba sano ka hor la gashay shirkadda DP World, taas wejigeeda koowaad noqon doonaa 400M (Afar boqol oo mitir), waxana munaasabaddan shirkadda DP World, Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda Shafa Al Nahda ee qandaraaska Ballaadhinta dekedda Berbera ku guulaysatay kala saxeexdeen qandaraaskii dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga