Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wafuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen wafuud ka socota In ka badan 20 (labaatan) dal oo kamid ah dalalka dunida, isla markaana ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa laga jeediyey hadallo ku saabsan guulihii ay Somaliland gaadhay iyada oo aan cid kale gacan ka helin, jidka dheer ee ay usoo martay halka ay maanta taagan tahay iyo waliba caqabadaha hortaagan ee u baahan in meesha laga saaro.

Xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka caalamka oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah Somaliland ugu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaadhay muddadii ay jirtey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay uga gudbi lahayd dhammaanba wixii caqabado ah ee horyaalla.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga