Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa kasoo baxaya faahfaahinta qaraxii shalay ka dhacay degmeda Wadajir ee Muqdisho.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyay dhimashada 11 qof oo iskugu jira dad rayid ah iyo ciidamada ammaanka ee ka agdhawaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Qof walxaha qarxa iskasoo uuxiyay ayaa ku qarxay maqaaxi ku taala degmeda Wadajir, halkaas oo kulaalaysa xerada ciidamada tababarada ee Jeneraal Dhego Badan.

Ciidamo tiro badan ayaa ka agdhawaa meesha uu qaraxu ka dhacay oo xerada wax yar u jirtay, waana goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Kooxda alShabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas is-miidaaminta ahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga