Hay’adda xasaradaha ee Crisis Groupwaxay war cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadda ee dalka Soomaaliya, iyadoo ka digtay muranka sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya labada masuul ee ugu awoodda badan dawladda Soomaaliya.

Crisis Group oo fadhigoodu yahay magaalada Brussels ee dalka Bulgium kana hawlgala gobolka Geeska Afrika waxay ka digeen in garaka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday ee Farmaajo ay isku dayaan in ay xilka ka qaadaan raysalwasaaraha xilgaadhsiinta xili dalku uu ku jiro doorasho. Sharci ahaanshaha kulan la iskugu yeedhay baarlamanka mudadiisu dhamaatay ayaa sidoo kale ay su’aal galisay hay’adda xasaradaha.

Crisis Group waxay sheegeen in khilaafku uu curyaaminayo arimaha doorashooyinka iyagoo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay qaswadayaal ku tilmaamaan dadka wada falalka lagu khalkhalgalinayo deganaanshaha.

Hay’addu wxay ku baaqeen in dhinacyada is hayaa ay dib uga laabtaan mawqifyada adag ee ay kala haystaan, kuwaas oo sii murgin kara xaaladda taagan una baahan in si degen oo maareeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga