Yemen waxa gobolada qaar kasoo cusboonaaday dagaalo u dhaxeeya ciidamada dawladda iyo kooxaha Xuutiyiinta oo raba in ay deegaanada qaar dib u qabsadaam.

Kumanaan qof ayaa la sheegayaa in ay ka baro kaceen gobolka Marib halkaas oo Xuutiyiintu ay ka bilaabeen guluf colaadeed.

Deegaan dhaca koonfurta Marib ayay la wareegeen Xuutiyiintu taas oo welwel badan ku abuurtay dadka gobolka oo horeba u barakacay arkii ay dawladdu la wareegtay halkan.

65 ka mid ah labada dhinac ee dagaalamaya ayaa lagu dilay dagaal qadhaadh oo ka dhacay Rahabah, deegaan dhaca bariga Sanca. Halkaas oo 8 da bishan September ay Xuutiyiintu ku qaadeen weeraro culus.

Muddoo sanad ku dhaw ayay ciidamada dawladdu ka ariminayeen deegaanada ay Xuutiyiintu weerareen, balse Xuutiyiinta oo ka cabsi qaba in duulaanku uu usoo janjeedhsamo dhanka caasimadda Sanca ayaa ka hor tagaya is fidinta ciidamada dawladda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga