Ciidamada Yuhuudu waxay sii wadaan weerarada ka dhanka ah muslimiinta ku cibaadaysanaysa masaajidka barakysan ee alAqsa ee magaalada Qudus.

Jimcaha maanta waxay dhaawaceen cidiamada Israel illaa 30 Falastiiniyiin ah. Waxa ku jiray dadka la dhaawacay 3 saxafi oo tabinayay weeraada Yuhuuda ee masaajidka barakaysan.

Falastiiniyiinta ayaa dhagxan ku tuuraya ciidamada Yuhuuda halka ay ciidamaduna rasaasta caaga ah la dhacayaan dadka is difaacaya.

Gudaha masaajidka ayay rabshaduhu gaadheeen kadib markii cidiamada Yuhuudu ay si khasab ah u galeen gudaha masaajidka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga