Hogaamiyayaasha wadamada Koonfurta Kuuriya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa markii ugu horaysay muddo kadib is waydaarsaday waraaqo la xidhiidha cilaaqaadka labada waddan.

Waraaqaha ayaa lagu qoray weedho is-laab xaadhasho ah iyo sidii loosii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan oo colaadi ka dhaxayso, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha xilka ka degaya ee Koonfurta Kuuriya ayaa ugu horayn todobaadkan warqad u diray dhigiisa Waqooyiga Kuuriya, iyadoo Kim Jong Un uu warqad jawaab ah soo siiyay. Intaa wixii ka danbeeyay ayay labada hogaamiye is dhaafsadeen waraaqaha kale.

Waxay kusoo beegmayaan xili xiisadda gacanta Kuuriya ay kacsan tahay iyadoo hanjabaado ay hawada isu mariyeen labada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga