Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxa maanta la filayaa in uu ka furmo shirka u dhaxeeya saamilayda doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan xukuumadda dhexe, gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada.

Shirka ayaa furmaya sida uu sheegay afhayeenka dawladda Soomaaliya, iyadoo wufuudda shirku ay Muqdisho gaadheen madaxda qaarna ay maanta galinka hore gaadhayaan Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa laga yaabaa in u hal maalin dib uga dhaco shirka, maadaama ay arimo geeri ahi u taalay, sida uu sheegay Macalimoow, afhayeenka dawladda Soomaaliya.

Shirka doorashooyinka ayay u muuqata in galinka danbe uu u dhacayo maadaama madaxda qaar ay galinka hore Muqdisho imanayaan, iyadoo uu dedaalkani yahay kii uguĀ  danbeeyay ee lagaga heshiinayay arimaha qabsoomida doorashooyinka.

 

WARARKA SOO BAXA HALKAN KALA SOCO

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga