Duqaymaha ayay sii wadaa Israel xili ay dunidu baaqyo kala duwan soo saarayso oo ku aadan in ay joojiso dilka iyo barakicinta ay ku hayso shacabka aan hubaysnayn.

Xukuumadda Tel Aviv waxay ka gaws adagtay in ay xabbad joojin samayso iyadoo raysalwasaaraha mayalka adag ee Yuhuudda, Ben Netenyahu, uu iska dhego tiray in uu joojiyo dagaalka.

Duqaymaha ugu danbeeyay waxa ku geeriyooday hal qoys oo ka koobnaa nin laxaadkiisu kala dhiamnyahay, gabadh lammaan, iyo caruurtoodii oo lagu dumiyay guriga ay ku jireen gudaha magaalada Qaza ee madaafiicda ay Israel ugu wado sida roobka.

Dad tiro badan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay duqaymaha ay maanta oo Kahmiis ah Israel ka gaysatay dhulka Falastiin gaar ahaan Qaza.

Dhimashada guud ayaa imika gaadhay 227 qof oo ay ku jriaan 64 caruur ahi tan iyo intii ay bilaabmeeen dagaalada Qaza ka socdaa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.

Dhanka Israel waxa la dilay 12 qof .

Kadib wada hadal khadka telefanka ahaa oo dhex maray Netenyahu, raysalwasaaraha Yuhuudaa iyo madaxweynaha Maraykanka, waxa la filayay in xabadda uu joojiyo Netenyahu, raysalwasaaraha aan mudadiisu rasmiga ahayn.

Balse maanta oo uu hadlay Netenyahu wuxuu sheegay in uu sii wadayo duqaymaha uu ka wado magaalada Qaza, illaa inta ay ka gaadhayaan wax uu ku sheegay danta Israel.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga