Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka gaadhay taandhada Afisyooni ee Muqdisho oo ammaankeeda ay damaanad qaadeen ciidamada AMISOM, taas oo uu ka dhacayo shir u dhexeeya dhinacyada isku haya qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa la filayaa in xubnaha maamul goboleedyada iyo xukuumaddu ay ka doodaan arimaha la isku diidanyahay ee hor taagan doorashooyinka.

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaan weli la ogayn in ay shirka qayb ka yihiin iyagoo ajdaha saluug ka muujiyay isla markaana sheegay in aan lagala tashan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la tashaday maamulada isaga raacsan iyo maamulka gbolka Banaadir, iyadoo aanay is arkin labada madaxweyne ee maamulada Jubaland iyo Puntland.

WARARKA SHIRKA KALA SOCO HALKAN

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga