Sucuudiga iyo xulafada uu hor kacayo ayaa mar kale duqaymo dhimasho dhaliyay ku qaaday gudaha dalka Yemen iyo deegaano  ay ka arimiyaan kooxda Xuutiyiinta ee Sucuudigu uu diidanyahay.

Duqaymahan cusub oo tiro badnaa ayay xulafadu ku qaaday waqooyiga Yemen oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca oo Xuutiyiintu ay gacanta ku hayaan.

Sucuudiga ayaa  sheegay in uu beegsanayay wax uu ku sheegay fadhiisimo milatari oo ay leeyihiin dagaalamayaasha Xuutiyiintu.

Dekedda Salif ayaa sidoo kale ku jirta goobaha uu Sucuudigu duqeeyay weerarada ugu danbeeyay ee maanta.

Qaramada Midoobay waxay ku warantay in duqaymaha Sucuudigu ay wax yeelo gaadhsiiyeen kaydad cuntada ah oo shacab leeyihiin.

Weli kamay hadal boqortooyada Sucuudigu in duqaymahooda ay dad rayid ahi ku wax yeeloobeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga