Waqooyiga Kuuriya waxay sheegaysaa in ay xidhiidhka u jarayso dalka Malaysia kadib markii ay ku edaysay in dalkaasi uu ku xad gudbay muwaadiniin u dhasahy dalka Waqooyiga Kuuriya.

Pyongyang waxay ka cadhootay go’aan ay Malaysai muwaadin kasoo jeeda Waqooyia Kuuriya ugu gacan galinayso dalka Maraykanka.

Maxkamad ku taala dalka Malaysia ayaa nin u dhashay Waqooyiga Kuuriya waxay ku xukuntay in loo gacan galinayo dawladda Maraykankal, kadib markii ay sheegtay in eedaymo algu helay.

Wakaalada wararka ee Waqooyiga Kuuriya oo xiganaysa Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalkaas ayaa ku warantay in war kasoo kasoo baxay Wasaaradda lagu sheegay digniin Maraykanka ay dawladdu u dirtay, taas oo ku aadan in ay la wareegto muwaadinka u dhashay Waqooyiga Kuuriya.

Weli kamay hadal dawlada Malaysia, iyadoo wasaaradda arimaha dibadda ee Kuala Lumpur ka gaabsatay in ay ka hadasho eedaymaha Waqooyiga Kuuriya.

Hanjabaadaha Waqooyiga Kuuriya ayaa xumayn kara xidhiidhka labadan waddan ee bariga Asia dhaca, iyadoo aan la ogayn tallaabada ay qaadi doonto dawladda Malaysia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga