Xukuumadda Federaalku waxay la wareegtay gacan ku haynta magaalada Mekele, caasimadda Tigrayga Itoobiya. Balse dagaalka ayaan dhammaan.

Khubarada ayaa aaminsan in dagaal jabhadaysani uu ka bilaabmayo gobolkan dhaca waqooyiga Itoobiya, taas oo aan la ogayn mudada uu socon doono.

Dagaalka uu Abiy Axmed ku qaaday Tigrayga oo bil in ku dhaw socday ayaa sahayday nolosha kumanaan qof, barakaca boqolaal kun oo kale oo Sudan u cararay iyo xaalado qalafsan oo gaajo ah oo ay wajahayaan in badan oo ka mid ah shanta milyan ee qof ee gobolka ku dhaqan.

Deegaanada qaar ka tirsan gobolka Tigrayga wali waxa lagasoo sheegayaa dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya ciidamada duurka galay ee Tigrayga iyo kuwa federaalka.

Wali isgaadhsiinta gobolka ayaa ah mid xadidan, iyadoo la joojiyay galitaanka dibadda ee gobolka iyo furimaha lagu dagaalamayo.

Talafishanka ugu wayn ee afka Tigrayga ku hadla ayaa wali baahinaya dagaalo ka socda deegaano badan. Lama oga meesha uu fadhigiisu yahay imika, xili magaalada Mekele ay ka ariminayaan ciidamada Abiy Axmed.

Higaamiyaha Tigrayga oo mar kale la hadlay wakaalada Reuters wuxuu u sheegay in saddex jiho ay kaga suganyihiin magaalada caasimadda ah ee Mekele, iyagoo u jira 50km.

Shaqaalaha gargaarka ee Qaradama Midoobay oo deegaanka ku sugan ayaa ku waramay in badi deegaanada gobolku aanu gacanta ugu jirin dawladda dhexe, balse ay muhiimadda saarayeen caasimadda Mekele oo ay imika la wareegeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga