Iran waxay mar kale kordhinaysaa xadiga nukliyeerka ee ay farsamaynayso. Waa tallaabo lagu sheegay tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee dalkani uu qaado muddo sanado ah.

Markan waxa meel mariyay baarlamanka Iran, iyadoo laga dhigay sharci horumarinta barnaamijka hubka wax gumaada ee nukliyeerka Iran.

20% ayay Iran kordhinaysaa marka loo eego xadigii ku xusnaa heshiiskii ay la saxeexatay quwadaha dunida sanadkii 2015.

Waxa sidoo kale Qaramada Midoobay laga hor istaagi doonaa in ay indha indhayn ku sameeyaan goobaha nukliyeerka lagu farsameeyo ee Iran.

Xukuumadda Tehran waxay ku xidhay shuruud ah in hadii muddo laba bilood ah lagag qaado cunaqabataynada saaran ama badi la khafiifyo in ay la laaban doonto sharcigan la meel mariyay.

Madaxweynaha Iran, Xasan Rooxaani

Baarlamanka Iran waxay xukuumadda ugu baaqeen in ay hore u dhaqan galiso sharciga ay meel mariyeen, balse lama oga tallaabada ay qaadayso xukuumadda madaxweyne Xasan Rooxaani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga