Diyaaradda Air DJibouti ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, dalka Soomaaliya.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay shilka fudud ee diyaaradda, dhammaan rakaabkii saarnaana si nabdoon ayaa looga dejiyay.

Mid ka mid ah baalasha diyaaradda ayaa dhulka galay iyadoo sidoo kale taayirada diyaaradda ay waxyeelo soo gaadhay.

Shirkadda Air DJibouti ayaan weli ka hadal shilkan fudud ee diyaaradoodu ay gashay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga