Magaalada Guriveel waxa weli kasocda dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo kuwa kooxda Ahlu Sunna, kuwaas oo shalay dagaalkoodu ka bilaabmay duleedka magaalada Guriceel.

Saaka ayuu mar kale dagaalku qarxay, iyadoo uu ka bilaabmay deegaano aan ahayn kuwii shalay lagu dagaalamay, ee magaalada Guriceel.

Dhimashada 30 qof ayaa la xaqiijiyay iyo dhaawac tiro badan, iyadoo uu dadka dhintay ku jiro taliyihii ciidamada Danab ee deegaanada Galmudug.

Labada dhinac ayaa weli isku hub urursanaya iyadoo ciidamo gurmad ahi ay gaadheen labada dhinacba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga