Qaaradda Afrika ayaa la sheegayaa in ay sii kululaanayso sababo la xidhiidha cimilada dunida ee is bedelaysa, iyadoo kulaylkeedu uu ka badanyahay kuwa qaaradaha kale,ama xadiga ay qaaradaha kale kululaanayaan.

Khubaro daraasad ka samaysay arintan ayaa sheegaya in Afrika ay u baahantahay in ay hesho taageero dhaqaale iyo mid tiknoolajiyadeed, si ay ula tacaasho saamaynta kulka iyo cimilada dunida.

Afrika waa hoyga 17% dadweynaha dunida, balse kaliya waxay hawada kusii daayaan 4% gaasta wasakhaysan ee dhaawacday cimilada dunida.

Wadamada Afrika ayaan haysan tiknoolajiyadda ay kula tacaali lahaayeen kulka, taa soo keenaysa in ay dhibane u noqdaan dhibaato aanay sababin iyagu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga