Saynisyahan sare oo reer Iraan ah, kaas oo takhasus ku haystay Nukliyerka lana odhan jiray Mohsen Fakhrizadeh, ayaa lagu khaarajiyay shirqool.

Ninkani ayay hore Israa’iil ugu eedaysay inuu hoggaaminayo barnaamijka Nukliyeerka militariga ee Jamhuuriyadda Islaamiga illaa ​​horaantii 2000 “ ayaa lagu khaarijiyay” weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow caasimadda dalkaasi Tehran.

Fakhrizadeh waxaa toogtay oo dhaawacay “argagixiso” isagoo saarnaa baabuurkiisa xaafadda Absard, oo ah xaafad ku taal bariga magaalada Tehran, isagoo u geeryooday dhaawacyadaasi, ayay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan waxay sheegtay, in geeridiisu ay ahayd mid ‘’shahiid’’.

Maamuleyaasha gudaha ayaa xaqiijiyay geerida Fakhrizadeh dhowr saacadood ka hor waxayna sidoo kale ay sheegeen in dhowr ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday la dilay.

Israel ayaa ka gaabsatay inay si degdeg ah ay uga hadasho dilka Fakhrizadeh, Kaas oo Raiisel Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu mar uu shir jaraa’id qabtay uu warbaahinta ku yidhi: “Xusuusnow magacaas.”

Israa’iil ayaa in badan lagu tuhmay inay fulisay dilal qorshaysan oo lala beegsaday saynisyahano u dhashay Iran oo ku takhasusay Nukliyeerka ku dhowaad 10 sano ka hor.

Wakaaladda wararka ee Fars ee aan rasmiga ahayn ayaa sheegtay in goobjoogeyaal ay maqleen dhawaqa qarax ka dibna la maqlay qoryaha darandooriga u dhaca. Weerarka ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa Fakhrizadeh, sida ay wakaaladu sheegtay.

Dadka dhaawacmay, oo ay ku jiraan ilaaladiisii ​​Fakhrizadeh, ayaa markii dambe loo qaaday isbitaal maxalli ah, ayay wakaaladdu sheegtay.

Telefishinka dowladda ayaa boggiisa mar dambe ku daabacay sawir muujinaya ciidamada amniga oo waddada xiraya. Sawirro iyo fiidiyow lagu wadaagay khadka tooska ah ayaa muujinayay gaari Nissan ah oo leh godad rasaaseed iyadoo loo marayo muraayadda hore iyo dhiig isku uruuriyay wadada.

Ma jirto koox durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa ku eedeeyay dilka Fakhrizadeh inuu “calaamado halis ah” ku leeyahay doorka Israa’iil.

“Argagixisadu waxay dileen saynisyahan caan ah oo reer Iran ah maanta. Fulaynimadan – oo muujinaysa calaamado halis ah oo ku saabsan doorka Israa’iil – waxay muujineysaa isku duubni la’aan baahsan oo dambiilayaasha, ”Mohammad Javad Zarif ayaa ku qoray Twitter Jimcihii.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga