Kim Jong-Un oo Covid-19 ka cadhooday

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxa uu si wayn uga cadhoday saamaynta xanuunka Covid-19 uu ku yeeshay dalkiisa oo dhaqaale ahaan aad u liiciyay. Wuxuu xidhay caasimadda isagoo dad badanna laayay, sida ay ogaadeen sirdoonka Koonfurta Kuuriya.

Kim Jong Un wuxuu amray dilka laba qof, in la joojiyo kalluumaysiga badda guud ahaan Waqooyiga Kuuriya, in gabi ahaanba la xidho caasimadda Pyongyang.

Sirdoonka Koonfurta Kuuriya oo baarlamanka dalkaas warbixin u gudbiyay ayaa sheegay in Kim Jong Un uu sidoo kale ku amray waaxdiisa arimaha dibadda in ay si dhaw ula socdaan kana falceliyaan wixii kasoo baxa maamulka cusub ee madaxweyne Joe Biden, dalka Maraykanka. Pyongyang waxay ka cabsi qabtaa in Biden uu bedelo siyaasadihii Trump ee ku wajahanaa dalkaas.

Tallaabooyinka uu qaaday Kim Jong Un ayaa ahaa qaar ay cadho ka keentay, sida ay mar kale sheegeen sirdoonka Koonfurta Kuuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga