Wararka uu Saab TV ka helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay in goordhawayd uu qarax ka dhacay isgoyska 14-ka Oktoobar, oo hore loo odhan jiray ”Soobbe”.

Qaraxa, ayaa ka dhashay kadib markii gaadhi yar laga soo buuxiyay walxaha qarxa lana dhigay waddada dhinaceeda, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho.

Khasaaraha ka dhashay qaraxan, ayaa lagu soo warramayaa inuu qabsaday kaalin shidaal kasoo oo uu dab ka dhashay, weli si rasmi ah uma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, waxaa goobta gaadhay ciidamo katirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV meel kastood joogto adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga