Guddoomiyaha xisbiga WADAJIR Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qaadacay kulan uu maanta madaxwayne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo la yeelanayay hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka ee Soomaaliya kajira, Mr. Shakuur ayaa shuruudo kuxidhay kulanka Farmaajo.

Shuruudaha oo uu u sheegay warbaahinta Goobjoog, ayaa waxay ahaaheen saddex kuwaas oo kala ahaa:

1. Inuu Farmaajo umadda u caddeeyo in aysan macquul aheyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhawaaqo inuu uu diyaar u yahay in saamilayda siyaasadeed ka wada xaajoodaan model-ka iyo hannaanka ugu haboon ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda.

2. In uu Farmaajo si cad afkiisa uga ballan qaado shacabka Soomaaliyeed in uu san hal maalin ku darsanaynin muddo xileedkiisa, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynahana la qabanayo xilliga uu muddo xilleedkoodu ku eg yahay.

3. In uu Farmaajo cudurdaar iyo magdhaw ka bixiyo weerarkii 17 Dec uu ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa saaka qoraysay in madaxwayne Farmaajo uu rabo inuu la kulmo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo uu farriin u soo diray Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade, kulankaas oon haba-yaraatee wax Ajenda ah la siisiin hoggaamiyeyaasha.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay geeska Afrika iyo addunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga