Waqooyiga Kuuriya waxay ku biirtay wadamada sida wayn uga hor yimi heshiiska dalka Australia lagu siinayo maraakiibta xambaarta hubka gumaada ee nukliyeerka loo yaqaano.

Waa heshiis tan iyo markii uu soo baxay ay badi wadamada dunidu ka hor yimaadeen, xataa xulafada wadamada saxeexay oo Faransiisku uu ku jiro.

Xukuumadda Pyongynag waxay ku tilmaantay heshiiska mid aan la aqbali karin oo halis ah, iyadoo ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin ku lid ah heshiiska hadii wax khatar ahi ay lasoo daristo Waqooyiga Kuuriya, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa u sheegay warbaahinta dawladda in heshiiska wadamadani uu abuurayo tartan dhanka hubka ah, isla markaana khalkhal galinayo ammaanka gobolka loo yaqaano Asia-Pasific ee ay dhacaan wadamada bariu xiga Asia kuna jeeda badaweynta Pasifika oo yaqaano.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga