Madaxweynaha dalka Zambia ayaa si wayn loogu ammaanay baraha bulshada kadib safar kharash yar ku kacay oo uu ugu baxay dalka Maraykanka.

Hakainde Hichilema ayaa safarkiisa New York waxa ku wehelinayay laba wasiir oo kaliya iyagoo raacay diyaarad-rakaab oo ay leedahay Qatar Airways.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka dhabaynayo balanqaad uu hore u sameeyay oo ahaa in hantida dadweynaha la ilaaliyo.

Hore waxa u dhici jirtay in kharash badan lagu burburiyo safarada dibadda ee madaxweynayaasha Zambia, iyagoo kaxaysan jiray diyaarado gaar ah oo aan ahayn kuwa rakaabka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga