Wada xaajoodka muranka ka taagan biyaha webiga Niil ayaa dib loo bilaabay xili xidhiidhka wadmadu uu sii xumaanayo.

Itoobiya, Suudaan iyo Masar waxay isku yimaadeen maalintii Isiniinta si ay usii anba qaadaan wada hadalada lagu xalinayo muranka biyaha Niil.

Saddexda waddan oo isku haya sida loo maamulayo biyaha webiga ayaa wada xaajoodkoodan cusub waxa saldhig u ah dhaamka ay Itoobiya samaysatay oo ay dhawaan buuxisay, taas oo Masar ay ka biyo diiday.

Wada hadalada ayaa imanaya maalin kadib markii tobanaan kun qof ay iskugu yimaadeen wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, kuwaas oo u debaal degaya wejiga koobaad ee dhaamka oo la buuxiyay.

Wasiirada waraabka ee saddexda waddan ayaa ka qayb galay wada hadal ay joobjoog ka ahaayeen Midawga Afrika iyo dalka Koonfur Afrika. Wax sioo kale qayb ka ahaa saraakiil matalaysa dawladda Maraykanka iyo Midawga Yurub.

74 meter cubic oo ah cabirka muga ayaa laga buuxiyay dhaamka oo ah kan ugu wayn qaaradda Afrika ee laga dhalinayo koronto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga