Iyadoo soo xiganaysa ila-xogogaal ah oo ay ka heshay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, mareegta Internet-ka laga akhristo ee Somaliland Chronicle, waxa ay daabacday in wefti ka socda jamhuuriyadda dadka Shiinaha lagu wado inay yimaaddaan maalinta berri magaalada Hargeysa.

Hargeysa ayaa illaa bilowgii bishan August waxaa ku sugnaa danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Shiinaha Qin Jian.

Inkasta oo aan wax xog ah laga helin agenda-ha amaba xubnaha weftiga, ayaa Somaliland Chronicle waxay sheegtay in ilo-xogogaal ahi sheegeen in weftigu ka kooban yahay masuuliyiin sare oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha kuwaasi oo ka iman doona caasimadda Shiinaha ee Beijing.

Somaliland Chronicle waxay sheegtay inaanay kala caddayn in madaxwayne Biixiuu la kulmi doono weftigan ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, iyadoo Somaliland hore iskaga leexisay isku daygii Shiinuhu uu ku rabay inuu ka weeciyo la yeelashada xidhiidh laba geesood ah jasiiradda Taiwan.

Shiinaha oo Taiwan sheegta inay tahay qayb kamid ah dhulkiisa, ayaa caddeeyay halka uu ka taagan yahay gooni isku taagga Somaliland, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si wayn uga soo horjeestay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

Somaliland ayaa damacsan sii xoojinta xidhiidhka kala dhexeeya Taiwan, iyadoo ka fikiraysa aqoonsi laba geesood ah amaba hal dhinac ah, iyadoo dedaallada danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya uu ku doonayay sidii Somaliland ay xidhiidhka ugu jari lahayd Taiwan u muuqdaan kuwo lagu guul darraystay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga