Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay jeel ku yaaala magaalada Jalaalabad ee dhacda bariga dalka Afkaanistaan.

Weerarka oo sheegatay kooxda Daacish faraceeda ka dagaalama dalka Afkaanistaan ayaa lagu rabay jeelka loogu dhaco. Is-rasaasayn ayaa wali ka socota aaga jeelka, iyadoo weerarku uu bilaabmay habeenimadii xalay.

Dadka dhintay waxa ku jiray xubno ka mid ah ciidamada ammaanka, maxaabiis, qaar ka mid ah kuwii weerarka qaaday iyo dad shacab ah sida uu warbaahinta u sheegay badhasaabka gobolka Nangahar ee Afkaanistaan.

Inta la xaqiijiyay 43 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka. Kooxaha weerarka qaaday ayaa gaadhi walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ku dhuftay mid ka mid ah iridaha jeelka, kadibna dablay hubaysan oo qoryo wata ayaa isku dayay in ay galaan jeelka.

In badan oo ka mid ah maxaabiistii xabsiga ayaa baxsatay intii uu weerarku socday. Illaa 100 maxbuus ayaa fakaday, balse ciidamada ammaanka ayaa qaarkood dib u qabtay.

Jeelka ayaa hoy u ah illaa 1500 oo maxbuus, kuwaas oo boqolaal ka mid ahi ay yihiin dagaalamayaal Daacish ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga