Magazine-ka caanka ah ee ”European CEO” oo fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka UK, ayaa ku abaalmariyay Aamina Xirsi Mooge inay tahay madaxa shirkadeed ee ugu wanaagsan qaaradda Afrika, taasoo hal-abuurkeeda ganacsina ka dhigay inay noqoto dadka hantida ugu badan gashaday dalka Yugaandha.

Aamina, ayaa ku dhalatay dalka Kenya, balse waxay leedahay warshado iyo moolal ”Malls”, ama goobo laga dukaamaysto oo kuyaal goobo aad muhiim u ah.

Sannadkii 1990-kii, ayay furtay dukaankii ugu horreeyay, iyadoo imikana shaqaalaysiisay kumanaan qof, taasoo shirkaddeeda maalgashiga ee Horyaalna kor ugu sii qaadday ganacsiyada dhanka dhismeyaasha iyo hantida ma guurtada ah.

Hooyadeed, oo ahayd gabadh-ganacsato ahayd, ayay Aamina dhiirrigelinta ka heshay, iyadoo lagu tilmaamo dumarka Afrikaanka ah ee Malaayiinka Dollar lihi u leh.

Saab TV, waa meesha aad ka heli karto baahidaada wareed.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga