Wararka uu helayo Telefishanka Saab, ayaa sheegay inay maxkamadda ciidamadu ay dil toogasho ah ku xukuntay Dable ka tirsanaa ciidanka xooogga, kaasoo magaciisa layidhaa Cabdillaahi Cali Cumar, kadib markii uu dilay gabadh ganacsato ahayd oo la odhan jiray marxuumad Dhibaaya Maleelay, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallawayn ee gobolka shabeellada hoose 23-kii bishan May.

Wararka ayaa sheegay inuu muddo fakad ahaa, kaasoo dhibaato u gaystay dadka jidka isticmaalayay oo sida la sheegay uu qaarkood dhac u gaystay, xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka, ayaa kutilmaamtay nin caadaystay dhaca dadka rayidka ah, iyadoo markhaatiyaal maxkamadda horteeda ka qirteen sida wararku sheegayaan inuu dhac u gaystay.

Ninkan, ayaa dib ugu soo laabtay gacanta haayadaha amniga, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu maxkmadda ka hor qirtay inuu dilka u gaystay haweenayda, qareenkiisii ayaa maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto, balse garsoorihii ayaa go’aamiyay in lagu qaado ”Dil toogasho ah”.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa qoraya in racfaan ku siman soddan cisho laga qaadan karo xukunkan.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay geeska Afrika, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga